Mareykanka oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Iran

Mareykanka ayaa ku biiray dagaalka ka socdo Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Israel iyo Iran, iyadoo ay ciidamadiisu la safteen kuwa Israel, taas oo horey ay Iran uga digtay.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee B-2 ayaa waaberigii hore ee Axaddan bilaabay in ay garaacaan xarumaha nuclear-ka ee dalkaasi Iran, tani oo noqotay wax aad loola yaabo.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay in laba toddobaad gudahood uu go’aan ku gaari doono, haddii dalkiisu uu fara-gelin militari ku sameynayo dalkaasi iyo haddii kaleba.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa goor dhow sheegay in diyaaradaha wax duqeeya ee B-2 ay hadaf ka dhigteen saddex goobood oo nuclear ah oo ku yaala Iran, sida Fordo (Fordow), Natanz iyo Isfahan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mareykanku uu si dhakhsa ah u soo afjaray duqaymaha, isla-markaana ay diyaaradahooda dagaalka ka laabteen hawada Iran.

“Waxaan dhameystirnay weerarkii aan ku qaadnay saddexda goobood ee nuclear-ka ah ee Iran, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Dhammaan diyaaraduhu waxay hadda ka baxsan yihiin hawada Iran.” Ayuu yiri Trump oo warkan ku sheegay bartiisa Truth Social.

Saraakiisha Iran ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah laga maqlay agagaarka goobaha nuclear-ka ee Magaalooyinka Natanz iyo Isfahan, laakiin ma sheegin in la beegsaday goobta ugu muhiimsan ee Fordo ama Fordow.

Hase yeeshee saraakiil aan magacyadooda la sheegin oo reer Iran ah ayaa laga soo xigtay in saddexda gooboodba la beegsaday.

Xarunta weyn ee nuclear-ka Iran ee Fordow (Fordo) ayaa ku taala buur hoosteeda, waxayna qiyaastii 95km dhinaca koonfureed kaga beegan tahay Caasimadda Tehran. Xarunta Fordo ayaa lagu kobciyaa uranium-ka dhulka hoostiisa, waxayna fure u tahay barnaamijka nuclear-ka ee Iran.

Ka hor weerarka, Trump ayaa sheegay in Israel ay codsaneysay in Washington ay soo fara-geliso ololaheeda militari ee ay ku burburineyso xarumaha nuclear-ka ee Iran, maadaama Mareykanku uu yahay sida uu yiri awoodda militari ee keliya ee awooda inuu garaaco goobahaasi.

Dowladda Iran ayaa si adag uga digtay fara-gelin kasta oo militari oo Mareykanka uu ku gacan siinayo Israel, iyadoona ku hanjabtay in ay weerari doonto saldhigyadiisa gobolka, haddii uu soo weeraro.

Trump ayaa Iran ugu yeeray in ay joojiso dagaalkeeda, isla-markaana ay qaadato nabadda.

Dagaalka Bariga Dhexe ayaa hadda u muuqdo mid bilow ah, waxaana iska cad in fara-gelinta Mareykanka ay sii hurin doonto xiisadda gobolka.

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Israel ay 13-kii bishan weerar ku qaadday xarumaha nuclear-ka iyo kuwa militariga ee dalka Iran.

Ma cadda, sida Trump uu uga dhaadhicin doono Iran iyo xulafadeeda gobolka inaysan weerarin saldhigyadiisa militari ee gobolka.

Trump ayaa ololihii dib u doorashadiisa ee sanadkii 2024 ku ololeynaya in uu si dhakhsa ah u soo afjari dagaalka Bariga Dhexe ee weli ka socdo Marinka Gaza iyo kan kale ee Ukraine, isla-markaana uu dunida ka dhigi doono meel nabdoon.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker