Ilhaan Cumar oo ka hadashay duqeymaha Mareykanka ee Iiraan
Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa war kasoo saartay duqeymaha Maraykanka ee Iiraan, iyadoo sheegtay in weerarkaas la fuliyay iyadoo aan amar laga heysan Kongareeska dalkaas.
“Waxay calaamad u tahay kasii darid khatar ah oo aan loo meel dayin oo ku saabsan dagaalka haatanba sii fidiya ee Bariga Dhexe,” ayay tiri.
“Weerarrada militarigu nabad ma keenayaan, kaliya waxay hurin doonaan rabshado badan, waxay khalkhal gelinayaan gobolka, waxayna halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah. Waxaan aragnay waxa dhaca marka dibloomaasiyadda laga beyro oo laga door bido dhanka bambooyinka, waxay keliya keenaysaa dhimasho iyo burbur badan.
“Koongareesku waa inuu si degdeg ah ugu codeeyaa Rep. Thomas Massie iyo Qaraarka Awoodaha Dagaalka ee Sen. Tim Kaine marka aan ku soo laabanno kalfadhiga. Dadka Maraykanku way ka daaleen dagaal aan dhammaadka lahayn, waxaan u baahannahay inaan joojinno waallidan ka hor inta aan nafo badan la waayin.”