Hay’adda nukliyeerka oo kulan degdeg ah yeelan doonta

Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka (IAEA) ayaa berri yeelan doonta kulan degdeg ah “iyadoo la eegayo xaaladda degdegga ah ee Iiraan”, sida uu sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta nukliyeerka.

Dhanka kale, madaxa Nukliyeerka Iiraan, Mohammad Eslam ayaa warqad u diray IAEA, isagoo sheegay in Tehran ay rabto in baaritaan lagu sameeyo weeraRradii Mareykanka, ayna ku boorineyso ilaalada inay cambaareyso falka Mareykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Iiraan.

Hore, IAEA waxay u xaqiijisay inaysan jirin “kor u kac” heerarka shucaaca ka dib markii Maraykanku uu weeraray saddex goobood oo nukliyeer ah oo ku yaal Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker