๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐-๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฑ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐
Madadaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qayb-galay xus ballaadhan oo loo sameeyey Maalinta Qaxoontiga Adduunka oo maanta (22.06.2025) lagu qabtay Huteel Maansoor, magaalada Hargeysa.
Munaasibadda lagu xusayey Maalinta Qaxoontiga Adduunka, ayaa Madaxweyne-ku-xigeenka waxa kala qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Biniโaadannimada Somaliland, madax kala duwan oo ka socotay Hayโaddaha Qarammada Middoobay (UN) u qaabilsan arrimaha qaxoontiga, qaar ka mid ah dadka Qaxcoontiga ah ee ku sugan dalka, iyo marti-sharaf kale.
Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Biniโaadannimada Somaliland, Mudane Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa sheegay in ka Xukuumad ahaan ay xil iska saareen daryeelka dadka qaxoontiga ah ee magan galyada ku jooga dalkeena, waxana uu kula dardaarmay dadka Qaxoontiga ah ee ku sugan Dalka in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo qawaaniinta Waddanka, kana digtoonaadaan wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo dhaqanka bulshada reer Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday qorshaha Xukuumaddu ka leedahay Qaxootiga, waxana uu yidhi:
โDuruuf ayaa keentay Qaxootinimada, qofka qaxootiga noqday way ku kelliftay, dadka uu martida u yahayna waa in ay dareemaan oo qof kasta rag iyo dumarba la soo dhaweeya.โ
Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in loo baahan yahay in meelo gaar ah la dejiyo dadka Qaxoontiga ah ee ku sugan dalka, waxana uu yidhi:
โKa xukuumad ahaan, waan soo dhawaynaynaa tallooyinkaasi la soo jeediyey, waxa aanan u soo jeedinaya Wasaaradda iyo Haโyaddaha Arrimaha Qaxootiga ka shaqeeya in dadkaasi loo sameeyo meelo u gaar ah oo la dajiyo.”