Iiraan oo digniin kulul u dirtay Mareykanka

Waxaan hadda war ka helnay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabaas Araghchi, oo u sheegay warfidiyeennada in dalkiisu “aanay wax wada xaajood ah la geli karin Maraykanka marka ay dadkeenna duqeymo ku socdaan”.

Waxa uu ku andacoonayaa in “Mareykanku uu ku lug lahaa gardarada dalkiisa tan iyo maalintii koowaad”, inkastoo uusan bixin caddayn.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay Istanbul, halkaasoo lagu wado in ay ka sii socdaan wadahadallada diblomaasiyadeed, Araghchi waxa uu ka digay in ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalka socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan ay noqon doonto “mid aad khatar u ah”.

Xusuusin ahaan, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay qorshayaal lagu weerarayo Iiraan horraantii toddobaadkan, laakiin waa uu ka joogsaday weerarrada lacalla haddii Iiraan ay oggolaato inay ka baxdo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in uu “gebi ahaanba diyaar u yahay in xal wada xaajood ah laga gaaro barnaamijkeenna Nukliyeerka”.

Sannadkii 2015-kii, Iiraan waxay heshiis waqti dheer ah la gaartay barnaamijkeeda nukliyeerka koox quwadaha adduunka ah ka dib sannado badan oo ay xiisad ka dhalatay dadaallada lagu eedaynayo waddanku inuu ku sameeyo hubka nukliyeerka.

Araghchi wuxuu intaas ku daray: “Diblomaasiyaddu waa hore ayay u shaqaysay, mustaqbalkana way shaqayn kartaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker