Iiraan iyo Israa’iil oo is dhaafsaday weerarro kale xilli Iiraan ay diidday wada-hadalka nukliyeerka
Israa’iil ayaa duqaymo cusub ku bartilmaameedsatay kaabayaasha nukliyeerka iyadoo warbaahinta Iiraan ay ku warrantay in weerar lagu qaaday goob nukliyeer ah oo ku taal Ifsahan, oo ku taal bartamaha dalkaas.
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay ka hortageen dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha laga soo riday dalka Iiraan habeenimadii xalay.
Arrintan ayaa timid ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Arakchi uu meesha ka saaray wadahadallada nukliyeerka inta uu weerarka socdo.
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta shalay, Aragchi wuxuu sheegay in Iiraan ay “diyaar u tahay inay tixgeliso dibloomaasiyadda mar kale marka la joojiyo gardarrada” iyo “gardarrada waxaa lagula xisaabtamayaa dembiyada foosha xun ee uu galay”.