Kulankii dhex maray Trump iyo ninka ugu awoodda badan Pakistan ee looga hadlay Iiraan

Kulankii Arbacadii ee dhex maray Taliye Sare Asim Munir oo ah shakhsiga ugu awoodda badan dalka Pakistan waqtigan iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa loo muujiyay guul siyaasadeed.

Mid ka mid ah natiijooyinka cad ee ka dhashay xiisaddii u dambeysay ee Pakistan iyo Hindiya ayaa ah isu dhawaansho la dareemayo oo u dhexeeysa Mareykanka iyo Pakistan. Xilligii maamulka Biden, xukuumadda Islamabad xitaa wacitaan telefoon lama helin.

Balse waqtiga booqashada Aqalka Cad ayaa yimid iyadoo Trump uu ka fekerayo inuu galo dagaal ka dhan ah Iran mid ay Pakistan cambaareysay bilowgiiba iyo taageero uu siinayo Israel, oo Pakistan ku tilmaantay ficiladeeda kuwo “bahalnimo ah”.

Dalka Pakistan ayaa sidoo kale ku jira hawl-gal daadgureyn ah oo ku soo celinaayo in ka badan 3,000 muwaadiniin Pakistani ah oo lagasoo samatabixiyay Iraan. Pakistan waxay xuduud la leedahay Iraan.

Ugu dambayn, kulanka labada saac socday waxa uu dhacay iyadoo aan warbaahintu joogin.

Bayaanka Pakistan kasoo baxay waxaa lagu sheegay in laga hadlay Iran, balse waxa ay labada hoggaamiye si dhab ah uga wada hadleen lama oga. Sidaas darteed, waxaa jiray su’aalo adag oo la weydiiyay wasaaradda arrimaha dibadda maanta.

Su’aashii ugu toosnaydna wax xiriir ah la ma lahayn Iran.

Waxaa la is weydiiyay: “Ma jiray siyaasi rayid Pakistani ah oo kulanka joogay?” waxaana sii raacay: “Dal dimoqraadi ah ma nahay?”

Iyadoo la qoslayay, afhayeenka oo dhoola caddeynaya ayaa ku adkaystay in Pakistan ay tahay ‘Si’aan mugdi ku jirin’ dimuqraadi. Wuxuuna warbaahinta caalamiga ah u tilmaamay taliska militariga wixii faahfaahin dheeraad ah ee la xidhiidha kulanka Asim Munir iyo Donald Trump.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker