Xisbiga KULMIYE iyo Urur-siyaasadeedkii Horseed oo Wadahadal u Furmay
Xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa wadahadal la furay urur-siyaasadeedkii Horseed ee doorashadii dhawaan ku hadhay.
Laba guddi oo ka kala socda labada hoggaan ee Xisbiga KULMIYE iyo Ururka Horseed, ayaa maanta yeeshay shirkoodii koowaad oo ka qabsoomay huteelka Daily Dose.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka xisbiga iyo Guddoomiyaha Ururka Horseed Md. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa si wadajir ah u furay shirka koowaad ee wadahadalka xisbiga iyo ururka.
Labadan Guddi oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xussn (Axmed Cabdi Dheere) iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Ururka Horseed Md. Maxamed Xasan Sh. Muumin, waxay kulamadooda ku falanqayn doonaan midow dhexmara labada dhinac iyo arrimaha ay ku heshiinayaan.