Shir lagaga arrinsanayo halista Tahriibka oo Hargeysa lagu qabtay.
Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargaysa Khadar Axmed Cumar (Khadar Nuur) oo ay weheliyaan madaxda Waaxda nabadgalyada Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa saaka shir muhiim ah oo ku saabsan ka hortagga tahriibinta la yeeshay qaybo ka mid ah guddiyada nabadgalyada iyo laamaha amaanka.
Shirkan waxa kaloo ka soo qayb-galay qaybaha Sirdoonka, ururrada dhalinyarada, madaxda gobolka maroodi jeex iyo wasaaradaha Diinta iyo awqaafta, dhalinyarada, arimaha bulshashada iyo wasaaradda Warfaafinta.
Kulankan muhiimka ah ayaa xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Waaxda Nabad gelyada Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa iyo laamaha ammaanka ee kala duwan ee heer gobol, si looga hor tago Tahriibka dhalinyaradaee waddanka ku soo badanaya.
Agaasimaha waaxda Nabadgalyada Dawladda Hoose ee Harageysa Xasan Maxamed Cabdillaahi oo isagu kulankan soo qaban qaabiyay ayaa warbixin muhiim ah siiyay dhammaan qaybihii kala duwanaa ee ka soo qayb galay shirka una sheegay in waalidiintu si dhow ula socdaan ubadkooda, si looga baaqsado dhibaatada tahriibtu ku keento waalidka.
Sidoo kale Maayar kuxigeenka caasimada Khadar Axmed Cumar ayaa laamaha amniga u soo jeediyay inay si feejigan oo isku xidhan uga hawlgalaan xakamaynta Tahriibka oo ah aafo qaran oo u baahan in wadajir looga hawlgalo.