Komishanka Maamul Wanaaga Qaranka oo Doortey Hogaan Cusub

Xubnaha cusub ee Komishanka Maamul wanaaga Somaliland ee uu dhawaan madaxwaynuhu magacaabey ayaa doortay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka cusub, kuwaasi oo komishanka hogaamin doona.

Kullanka ay isku doorteen guddidu oo ahaa kullankoodii u horeeyay ayaa waxa goob joog ahayd Agaasimaha guddida Deeqa Xaashi Xandulle.

Kullanka lagu doortey gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ayaa waxa ka warbixiyay Komishaner Jaamac Aadan Maxamed oo guddida ka mid ah, waxaanu sheegay in ay gudoomiye u doorteen Dr. Aadan Axmed Daahir oo ah masuulkii ugu da’ada waynaa guddida, sidoo kale waxa gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Garyaqaan Madar Siciid Xasan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker