๐๐๐๐ญ๐ข ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ค๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐๐๐ซ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa sharaf u ah in ay marti-geliso wefti heer sare ah oo ka socday dalka Maraykanka oo booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland (18.06.2025) si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo Difaaca u dhexeeya labada dawladood.
Weftiga waxa hoggaaminayay Danjire Richard Riley, isla markaana waxa ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley, saraakiil sarsare oo ka mid ah Ciidamada Maraykanka iyo Diblomaasiyiin culus.
Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo wax-ku-ool ah oo muhimmad gaar ah u leh labada dal, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca. Booqashada ay Weftiga Maraykanku ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muujinaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay adkaynta difaaca, amniga, ganacsiga, iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Sida oo kale, Xukuumadda Somaliland waxa ay si weyn u soo dhaweynaysaa socdaalka ay weftigii ka socday dalka Maraykanku ay ku tageen magaalo-xeebeedka isteraatejiga ah ee Berbera, si ay u qiimeeyaan tayada kaabayaasha lagama maarmaanka u ah xoojinta awoodda amniga iyo difaaca, maadaama Dawladda Maraykanka ay ka goโan tahay ilaalinta xasilloonida mandaqadda.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si weyn ugu mahad-naqaysaa danaynta Dawladda Maraykanka iyo hagar baxa ay la garab taagan tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay adkaynaysaa in la sii wado lana xoojiyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga u dhexeeya labada dhinac.




