Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 23-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Ajendaha lagaga wada hadlay Fadhigii 23-aad ee Shirka Golaha Wasiirada waxa ka mid ahaa:

* ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in xasilloonida lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, xag Amni iyo xag Siyaasadeedba. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shilalka Gaadiidku ay yihiin mushkilad Qaran, maadaama ay Shilalku sababaan dhimashada ugu badan dalkeena, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga yeesho talo iyo istiraatijiyad Qaran oo lagu yaraynayo Shilalka.

* ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan, isaga oo Golaha u sheegay in guud ahaanba dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo wax kala iibsiga suuqyada dalku uu kor u kacay, taasoo tilmaan u ah kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan siyaasadda dhaqaale ee Xukuumadda cusub. Wasiirku waxa uu sheegay, si loo kobciyo Dakhliga Qaranka, in Wasaaraddu ay dib u eegis iyo dib-u-qiimayn ku samaysay Cashuuraha muhiimka ah ee Dakhliga Qaranku ka soo baxo, sida:

1. Cashuurta Shaqaalaha (Payroll Income Tax);
2. Cashuurta Kirada (Rental Income Tax);
3. Cashuurta Macaatul-Macaashka (Business Income Tax);
4. Cashuurta Iibka iyo Adeega ( Goods and Service Tax)

Wasiirka Maaliyadduwaxa uu Golaha u sheegay in Dakhliga iyo Ururinta Cashuuraha Qaranka JSL ay maalinba maalinta ka dambaysa ka soo wacnaanayaan.

* ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladda Caafimaad ee dalkeena, isaga oo sheegay in aanay jirin arrimo degdeg ah ama qaylo-dhaan la xidhiidha Xaaladda Caafimaadka dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in Ololaha Dhiig-shubidu iyo Tallaalka Carruurta yar yar ay u socdaan sidii loogu talo galay. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay ku hawlan tahay Barnaamijka Nafaqaynta Carruurta Somaliland.

* ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฐ๐ช๐š๐š๐Ÿ๐ญ๐š: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey hab-sami-u-socodka hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu Qaranka JSL uga masuulka tahay. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu wada shaqayn iyo is fahan wacan la leedahay dhammaan Culimada Dalka, fariiqa kasta oo yihiinba.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay door muhiim ah ku leedahay Wacyi-gelinta Bulshada iyo ilaalinta mabaadi’da aasaasiga u ah nolosha bulshadeena sida adkaynta iyo Diinteenna Suuban, ka hortagga afkaarta khaldan ee dhaawacaya Amniga iyo Xasiloonida Dalka iyo Wadajirka iyo wada noolaanshaha ummadda JSL. Wasiirku waxa uu dul istaagay waxyaabaha Anshaxa ka baxsan ee ka socda Baraha Bulshada, waxana uu soo jeediyey in Xukuumad ahaan laga yeesho talo midaysan, meel adagna la iska taago.

* ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ฎ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ง๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ก๐š๐š๐๐ข๐ ๐š ๐š๐ก: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey hab-sami-u-socodka Qorshaha Imtixaannada Shahaadiga ah ee guud ahaanba Dalka ka qabsoomi doona maalinta Sabtida ee ay taariikhdu tahay 21.06.2025. Wasiirku waxa uu sheegay in Sannadkan ay 40,000 oo arday u fadhiisan doonaan Imtixaannada Shahaadiga ah (fasalka 8-daad H/DH iyo fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare). Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Wacyi-gelinta Ardayda iyo Waalidiintooda ee lagaga hortagayo waxa yaqaano QISHKA ay si wacan u socoto, iyadoo ay Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker