Hadallada kukulul ee ay Trump iyo Khamenei isku weydaarsadeen baraha bulshada

Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay weeraro is dhaafsanayeen Iiraan iyo Israa’iil, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa baraha bulshada isku dhaafsaday hadallo 24-kii saacadood ee u dambeeyay.

Trump ayaa Talaadadii shalay qoraal uu sp dhigay bartiisa truth ku yiri: “Waan ognahay meesha uu isku qarinayo ninka isugu yeera ‘hugaamiyaha ruuxiga ah’.

“Waa bartilmaameed sahlan, balse waa ammaan – ma dili doono, ugu yaraan hadda ma dilayno.

“Ma rabno inaan gantaalo shacab lagu dhufto, ama askar Maraykan ah. Dulqaadkeenu wuu sii yaraanayaa. Ku mahadsanidiin fiirintiina arrinkaan!”

Dhowr qoraal oo uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei ku sheegay, in Iran aanay marnaba gorgortan ka geli doonin dagaalka Israa’iil, isagoo intaa ku daray “dagaalku wuu bilaabmay”.

Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin faallooyinkiisii ​​​​ugu horreeyay ee dadweynaha tan iyo markii madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in la dilo Khamenei.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker