“khaarijinta Khamenei waxay soo afjaraysaa dagaalka” Netanyahu
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu soo waramayaa inuu gaashaanka ku dhuftay qorshe ay Israa’iil ku dooneysay inay ku disho, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.
Balse wareysi uu siiyay warbaahinta ABC News saacado ka hor, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa soo jeediyay inuu texgelinayo dilkiisa. Dilka Khamenei waxa uu “joojin doonaa colaadda” wuxuuna ka hortagaya dagaal nukliyeer ah, ayuu yiri.
Khamenei oo muddo dheer xukumayay Iran ayaa marar badan ku celceliyay in Iran ay xaq u leedahay horumarinta barnaamijyadeeda nukliyeerka.