Guddida Arrimaha Shareecada, Dhaqanka iyo Qoyska ee Golaha Wakiillada JSL oo Kulan Xogwaraysi ah la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Guddida Arrimaha Shareecada, Dhaqanka iyo Qoyska ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan xogwaraysi ah kula yeeshay Xarunta Golaha Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddida, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), kuna wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida, Mudane Xuseen Aadan Cabdi, iyo xubno kale oo ka tirsan guddida.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadatashi iyo xog-warayn ku saabsan shaqooyinka iyo adeegyada ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu u hayso Qaranka, gaar ahaan:

• Dardargelinta howlaha diimeed iyo fidinta wacyigelinta
shareecada
• Doorka Wasaaraddu ku leedahay ilaalinta qiyamka dhaqanka
iyo qoyska
Mudanayaasha Guddidu waxay Wasiirka weydiiyeen su’aalo ku saabsan:

• Qorsheyaasha Wasaaradda ee sannadlaha ah
• Horumarinta iyo ilaalinta goobaha dhaqank

Gabagabadii Kulanka: Guddidu waxay u mahadcelisay Wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda sida ay uga jawaabeen su’aalihii la weydiiyay, waxayna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan kormeerka iyo la shaqaynta hay’adaha dawliga ah si loo dardargeliyo adeegyada ay shacabka u hayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker