Trump oo Israa’iil ka codsaday in aanay dilin Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran
Trump ayaa ku dhiirrigeliyay labada dhinac ee dagaallamaya in ay heshiis gaadhaan, wuxuuna sheegay inuusan taageersanayn in la waxyeelleeyo hoggaanka sare ee Iran, maadaama Iran aysan ilaa hadda dilin muwaadin Mareykan ah.
“Iran ilaa hadda ma dishay qof Mareykan ah? Jawaabtu waa maya. Ilaa ay taas sameeyaan, ma raadin karno in aan beegsanno hoggaankooda siyaasadeed,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump oo la hadlay Reuters.
Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiisha sare ee Mareykanka ay si joogto ah xidhiidh ula lahaayeen madaxda Israa’iil tan iyo markii ay Israa’iil bilowday weerarro xooggan oo ay ku qaaday Iran, si ay u joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka.
Saraakiisha la hadlay Reuters oo laba ahaa ayaa sheegay in madaxda Israa’iil ay Mareykanka u sheegeen in ay helayaan fursado ay ku dili karaan Khumayni, balse Madaxweyne Trump uu si buuxda u diiday in xilligan la beegsado hoggaankaasi. “Waxaan aaminsanahay in aan samayn doono waxa noo wanaagsan, Mareykankuna wuu og yahay waxa uu danihiisu ku jiraan,” ayuu yidhi mid ka mid ah saraakiishaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa u sheegay Fox News in weerarradoodu ay yihiin kuwa loogu talagalay in xukunka lagaga tuuro xukuumadda Islaamiga ah ee Iran, si isbeddel siyaasadeed uga dhaco dalkaas.
“Haddii Iran na weerarto, ciidamada Mareykanka waxay kusoo degi doonaan awood aan waligood la arag. Balse waxaan ku dadaalaynaa in aan dhexdhexaadinno Iran iyo Israa’iil si loo soo afjaro colaaddan dhiiggu ku daadanayo,” ayuu Trump ku qoray bartiisa X (Twitter).
Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii Iran ay uga hanjabtay Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska in ay weerari doonto saldhigyadooda ku yaalla Bariga Dhexe haddii ay soo ridaan gantaallada ay ku ganayso Israa’iil.
Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Iran ayaa galay maalintii afraad, waxaana weli soconaya is-weydaarsiga weerarrada labada dal.
Warbaahinta CNN ayaa sheegtay in ilaa 17 qof oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen weerarrada is-daba joogga ah ee ay Iran ku hayso, iyadoo inta badan shacabka Israa’iil ay ku dhuumanayaan godad dhulka hoostiisa ah.
Isra’iil ayaa dishay inta badan saraakiishii ugu sarreysay ee Ciidamada Difaaca Kacaanka Iran, sidoo kale waxay duqeysay warshado soo saara hubka nukliyeerka iyo noocyo kale oo hubka culus ah.