Shiinaha oo ku booriyay Israa’iil iyo Iran inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dejiyan xiisadda
Shiinaha ayaa mar kale ku boorinaya Israa’iil iyo Iran inay qaadaan tillaabooyin ay ku dejinayaan xiisadda, iyadoo ay sii socdaan duqeymaha labada dhinac.
“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay si deg deg ah u qaadaan tillaabooyin lagu dejinayoxiisadaha, loogana hortagayo in gobolka uu ka dhaco qalalaase weyn, iyo in la abuuro shuruudo wadahadal,” ayuu Isniinti yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Guo Jiakun.
Hadalladiisa ayaa imaanaya ka dib markii afhayeen kale uu Axadii sheegay in “Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu door wax ku ool ah ka ciyaaro geeddi-socodkan” dejinta xiisadda.