Safaaradda Mareykanka ee Israa’iil oo albaabada la isugu dhuftay
Safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil ayaa sheegay in safaaraddooda ku taala Tel Aviv uu soo gaaray “burbur yar” intiiuu socday weerarkii xalay ee Iran ay ku qaaday Israa’iil.
Mike Huckabee ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in qunsuliyada ay saameysay ” gantaalada Iran” ee u dhow dhismaha Tel Aviv.
Safaaradda ugu weyn ee Mareykanka ee Quddus ayaa sidoo kale sii xirnaan doonta maadaama weli uu jiro hoy la degi karo.
Ma jiro muwaadin u dhashay Maraykanka oo ku dhaawacmay duqeynta ayuu yidhi.