Saddex qof oo duqeymaha Iiraan ku dhintay
Saddex qof ayaa ku dhintay duqeymaha Iiraan ee bartamaha Iisraa’iil.
Labo haween ah iyo hal nin oo da’da 70-meeyada ku jiray ayaa geeriyooday.
Ugu yaraan 74 qof oo dhaawac ah ayaa iyaguna la geeyay dhowr isbitaal oo goobo kala duwan ku yaalla oo bartamaha Israa’iil ah, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka qaranka Israa’iil ee magaceedu yahay Magen David Adom.




