Trump oo ka hadlay xiisaddii ugu dembaysay ee Iran iyo Israa’iil

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu ku lug lahayn colaaddii u dambaysay ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Iran.

“Maraykanku wax lug ah kuma lahayn weerarkii Iran, caawa,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay Truth Social.

Iran ayaa uga digtay Mareykanka iyo xulafadiisa inaysan ka caawin Israa’iil joojinta weerarada aargoosiga ah ee Tehran.

“Haddii si uun naloo soo weeraro, si iyo nooc kasta oo ay tahay oo Iran ah, awoodd buuxda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka waxay kuugu soo degi doontaa heerar aan horay loo arag,” ayuu yiri Trump isagoo intaaku daray. “Si kastaba ha ahaatee, waxaan si fudud u heli karnaa heshiis u dhexeeya Iran iyo Israel, oo aan soo afjarno colaaddan dhiigga badan!!!”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker