Madaxweynaha Israa’iil “Murugo darran iyo subax adag”
“Murugo darran iyo subax adag” ayuu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horrey loo oran jiray Twiter, iyadoo wadanku waabariistay ka dib duqaymo habeenimo oo ay Iran ku qaaday bartmaha iyo waqooyiga.
“Weerarka dambiilayasha Iran” ee dilay oo dhawacay “Juwish iyo Caraba, muwaadiniin Israa’iili ah iyo muhaajiriin cusub, oo ay ka mid yihiin carruur, waayeel, dumar iyo rag.”” ayuu yiri Herzog.
Wuxuu intaa ku daray ““Waxaan la qaybsanayaa murugada weyn ee qoysaska, waxaan ka tiiraanyoonayaa khasaaraha naxdinta leh. Waxaan ugu ducaynayaa bogsiimo dhaawacyada, lana helo kuwa la la’yahay. Waan wada tiiraanyoon doonnaa, waan wada adkaan doonnaa.”