Khasaaraha dhimashada weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil
Toban qof ayaa ku dhintay weerarkii gantaallada ee Iran ku qaaday xalay Israa’iil sida ay saraakiishu shegeen.
Booliska ayaa sheegay in lix qof oo ay ku jiraan laba carruur ah lagu dilay magaalada Bat Yam,oo ku taalla koonfurta Tel Aviv, toddobo kale aya wali la la’ayahay, kooxda gurmadka ayaa ka baadi goobaya burburka dhismayaasha dumay.
Afar qof ayaa sidoo kale ku dhintay weerarrada lagu qaaday magaalada Tamra ee waqooyiga, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdega ah iyo isbitaalka deegaanka.