Alle haw naxariistee Wiil dhalinyaro ah oo 16 jir ah ayaa ku geeriyooday Balli ku yaalla duleedka Koonfureed ee magaaladda Hargeysa.

Qoyska marxuumka ayaa goor dambe soo war galiyey ciidanka Dabdemiska iyada oo Ciidankuna ay ka hawl galeen raadinta Maydka Marxuumka.

Balliga oo aad u dheera awgeed, kadib Ciidanka Dabdemiska gaar ahaan qaybta Samatabixinta Ceelasha, Balliyadda iyo Baraagaha oo tan iyo xalay Hawl galka raadinta Maydka Marxuumka ku jiray ayaa Saaka Aroornimadii hore ku guuleystay in ay Ka soo saaraan Maydka marxuumkaasi.

Sida oo kale Hawlgalkaasi waxa Ciidanka Dabdemiska kala qayb qaatay Ciidanka Booliska iyo Dawladda Hoose Caasimadda Hargeysa.

Ugu dambayna Ciidanka Dabdemiska ayaa Maydkii marxuumka ku wareejiyey Ciidanka Dambi baadhista ee CID.

Fadlan Muwaadin ka digtoonoow halista Balliyada, ceelasha iyo dooxyada. Gaar ahaan waalidiintu inay caruurtooda ka warhayaan. Sidoo kale dadka balliyada iyo baraagaha lihi ay ka warhayaan badqabka baliga ama Barkada, si looga hortago halista ka iman karta.

Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dabdemiska 990 shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker