Iran waxay Qaramada Midoobay u sheegtay in weerarrada Israa’iil ay yihiin ‘kuwo arxan darro oo dambi ah’
Waxaan si dhow ula soconnaa wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Tehran, laakiin hadda waxaan idiin haynaa warar ka imanaya kulan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ka dhacaya New York. Kulankan waxaa horey u codsatay Iran kadib weerarradii Israa’iil.
Wakiilka Iran, Amir-Saeid Iravani, ayaa sheegay in weerarrada “arxan darran oo dambiyada ah” lagu bartilmaameedsaday xarumaha nukliyeerka, kaabeyaasha rayidka iyo goobaha la deggan yahay ee gudaha Iran.
Ilaa hadda, 78 qof ayaa la dilay, in ka badan 320 kalena waa dhaawacmeen — “inta badan” dadka waxyeelladu gaartay waa rayid, ayuu raaciyay.
Iravani waxa uu leeyahay “dilalka ula kaca ah ee joogtada ah” waxay ahaayeen “muujin cabsi leh iyo gardaro la qorsheeyay”.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku “ku lug leeyahay” dambiyadan kadib markii uu siiyay “gargaar iyo taageero”.
“Ma illoobi doonno in dadkeenna ay u dhinteen weerarradii Israa’iil iyadoo hub Mareykan la isticmaalayo,” ayuu yidhi.
Wuxuu ka codsaday Golaha Ammaanka in ay cambaareeyaan falalka Israa’iil isla markaana lagula xisaabtamo.