Trump oo yidhi Iran waxaa laga yaabaa in ay hesho fursad labaad
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo saacad kahor ugu baaqay Iiraan inay heshiis ka gasho barnaamijkeeda nukliyeerka.
Hadda wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray in Iiraan laga yaabo inay haysato “fursad labaad” si ay u gaarto heshiis ku saabsan nukliyeerkeeda, kadib weerarradii Israaโiil ku qaaday dalkaas.
Wuxuu qoray Trump:
โLaba bilood kahor waxaan Iiraan siiyey digniin 60 maalmood ah si ay โheshiis u gaarto.โ Waa inay sidaa sameyn laheed.! Maanta waa maalintii 61-aad. Waxaan u sheegay waxay qaban lahaayeen, balse maaaney qaban. Hadda waxaa laga yaabaa inay helaan fursad labaad!โ
Wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan ee ku saabsan heshiiska nukliyeerka ayaa la filayey inay galaan wareeggii lixaad Axadda, waxaana lagu waday inay ka dhacaan dalka Cumaan.
Horey, Iiraan waxay ku eedeysay Mareykanka inuu taageeray weerarrada Israaโiil, eedeyntaasi oo ay Washington si cad u beenisay.




