Israa’iil ha filato ciqaab xanuun badan, sidaas waxaa yiri Ayatollah Ali Khamenei

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay “inay filato ciqaab adag” kadib weerarkii habeenimo ee ay la beegsatay goobo nukliyeer lagu bacrimiyo laguna dilay dhowr taliyeyaal ciidan oo Irani ah.

Waxa uu sheegay in Israa’iil “ay dambi ka gashay waddankeena qaaliga ah maanta” ciidamadiisuna “ma ogolaan doonaan Israa’iil oo aan la ciqaabin”.

“Dambiyadan, taliska Sahyuuniyadda uu galay awgood wuxuu naftiisa u diyaariyey mustaqbal qadhaadh, xanuun badan, taas oo ay hubaal tahay inay arki doonaan.”

Iran ayaa hawada u dirtay ilaa 100 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku wajahan Israa’iil, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil (IDF).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker