Iran oo qiratay in 6 ka mid saynisyahannadeeda Nukleerka lagu diley weerarkii Isra’il
Iran ayaa qiratay in lix ka mid saynisyahannadeeda Nukleerka lagu diley weerarkii xalay ay dalkeeda ku soo qaadday Isra’il. Ragga la diley ayaa waxaa ka mid ah:
Fereydoon Cabbasi oo horay madax uga soo noqday Ururka Tamarta Atomikada Iran.
Maxamed Mehdi Tehranchi oo horay u soo noqday madaxweynaha Jaamacadda Islaamiga ah ee Azad University.
Abdolhamid Minouchehr, Ahmad Reza Zolfaghari, iyo Amirhossein Feqhi oo ahaa aqoonyahanno ka tirsan Jaamacadda Shahid Beheshti University ee magaalada Tehran.
Dhibbanaha lixaad ayaa magaciisa lagu soo koobay Motallebizadeh.