Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo H. Dhaqaalaha JSL oo Dawladda Taiwan ka gudoomay deeq lacageed oo dhan 2.5 milyan {USD}.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland.
Safiirka Dawladda Taiwan ayaa uga mahadceliyey Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa, sidoo kale Safiirka ayaa xusay sida ay Dawladda Taiwan uga go’antahay taageeradda iyo wadashaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo siday ugu faraxsanyihiin xidhiidhka wadashaqyneed ee ka dhaxeeya Labada Dawladood.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa dhankiisa Dawladda Taiwan iyo Safaaraddeeda Magaalada Hargeisa uga mahadceliyey taageerada baaxada leh ee ay la garab taagantahay, sidoo kale Wasiirka ayaa uga mahadceliyey safiirka Dawladda Taiwan mashaariicda horumarineed ee ay ka mid yihiiin; deeqaha waxbarasho , qalabka caafimaad, dhismaha Cisbitaalka Hargeisa, taageerada dhaqaale ee Doorashooyinkii qabsoomay 2024, dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee ay ka mid tahay dhismaha Wadada Madaarka Hargeisa.
Ugu danbayn, Safiirka ayaa ku wareejiyey Wasiirka deeq lacageed oo dhan 2,500,000 oo dollar oo ay Dawladda Taiwan ugu talo gashay in ay kaga qayb qaadato waxtarka iyo gargaarka hawlaha bani’aadan-tinimo ee Somaliland.