Haweenka Oodweyne oo soo bandhigay wax-soo-saarka xirfado ay barteen
Hay’adda Barwaaqo Voluntary Organization oo xirfada Dawaarka ku tababartay 40 ka mid ah, haweenka degmada Oodwayne, ayaa waxa ay soo bandhigeen xirfadooda wax-soo-saarka ee dhinaca Dawaarka iyo waxyaabihii ay barteen.
Fu’aad Axmed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta Hay’adda Barwaaqo ayaa faahfaahin ka bixiyay xirfada wax-soo-saar ee ay barteen haweenka iyo waxyaabaha ay soo kordhiyeen, waxaanu tilmaamay inay soo saareen alaabo u gaar ah haweenka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la dhiirigaliyo.
Fau’aad ayaa sheegay in ay haweenkani barteen xirfada Darwaarka oo ka duwan ta suuqa lagu barto, waxaanu intaasi ku daray in ay soo saareen xafaayadaha caruunta oo ay ka sameeyeen waxyaabo dalka laga helo, sidoo kalena ka duwan ta dalka dibadiisa laga keeno.
Gebo’gabadii haweenku waa laf-dhabarta nolosha bulshada, waxaan loo baahan yahay in la dhiirigaliyo sidoo kalena la is garab taago, si ay uga midho dhaliyaan hiigsigooda ah inay soo saaraan waxyaabo bulshada anfacaya.