Dowladda Hindiya oo ka hadashay shilka diyaaradeed ee khasaaraha badan dhaliyay
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Randhir Jaiswal, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo toddobaadle ah, ayaa shilkii diyaaradda ku tilmaamay “shil aad u murugo badan”.
“Weli waxaa socda howlaha samatabbixinta. Waa in aynu wax yar sugnaa si faahfaahinta rasmiga ah loo helo,” ayuu yiri.
Laakiin wuxuu sidoo kale intaa ku daray: “Waxaan waaynay dad badan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan dadkii ay ka baxeen dadka dhintay.”