Ciidamada Israa’iil oo Qasa ka helay maydka labo lahayste
Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadisa ku sugan Qasa ay heleen maydka labo la hayste oo Isra’iliyiin ah.
Mid ka mid ah labada la hayste ee maydkooda la helay ayuu ku sheegay Yair (Yaya) Yaakov oo 59 sano jir ahaa, kaaas oo lagu diley gurigiisa oo ku yiil deegaanka Nir Oz, markii kooxo hubeysan oo ka tirsan ururka Xamaas ay u daateen koonfurta Isra’il 7-dii Oktober 2023.
Labo wiil oo uu dhalay iyo xaaskiisi aya sidoo kale halkaas laga afduubtay, ka hor intii aan lagu sii deyn heshiis xabad-joonjin oo Isra’il iyo Xamaas dhex maray Nofember 2023. 53 lahaysteyaal reer Isra’il ah ayaa weli ku haray gacanta kooxaha Falastiiniyiinta.