Marines-ka Mareykanka oo isku diyaarinaya in loo daabulo Los Angels
Ciidanka birri-biyood Mareykanka ee loo yaqaan Marines-ka ayaa la geliyey heegan buuxa si loogu daabulo magaalada Los Angels oo maalintii shanaad ay ka socdaan dibed-baxyo ay dhigayaan dadweyne ka biyo diidey siyaasadaha madaxweyne Donald Trump uu ku beegsanayo dadka muhaajiriinta ah ee magaalada ku nool.
Saraakiil xog-ogaal ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka reuters ayaa sheegay in ciidanka lagu rigeeyey xeebta Seal Beach oo qiyaastii 50 Km koonfur uga beegan magaalada Los Angels. Waxaa xusid mudan in madaxweyne Trump uu horay u amray in 700 ka mid ah Marines-ka fadhigoodu yahay California la geeyo magaalda Los Angels.
Mas’uuliyiinta Mareykanku waxay sheegeen 2,100 ka tirsan 4,000 oo Ilaalada Qaranka ah uu Trump u faray in ay ku biiraan hawlaha raafka ay halkas durba gaareen.
Laakiin Marines-ka iyo Ilaalada Qaranka midkoodna awood sharci uma laha in ay cid xiraan, waxa qura ee ay qaban karaanna waa in ay ilaaliyaan goobaha dowladda federaalka ah ee ku yaal Los Angels.