Weerar lagu qaaday Iskuul ku yaalla dalka Austria iyo dhimashada oo korordhay
Duqa magaalada Graz ee dalka Austria, Elke Kahr, ayaa hadda sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen toogasho dhacday saaka. Arday iskuul ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaana sidoo kale la soo sheegay dhaawacyo dhowr ah.
Booliisku waxay sheegeen in ninka loo malaynayo in uu weerarka fuliyay ay suuragal tahay inuu isdilay ka dib weerarka ka dhacay dugsiga sare ee Dreierschรผtzengasse.
Weli lama caddeyn in ninka toogashada gaystay uu arday hadda dhigta dugsiga ahaa ama arday hore uga baxay iskuulka