Dagaal dhanka afka ah oo ka dhex qarxay Trump Guddoomiye Newsom

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump guddoomiyaha gobolka California Governor Gavin Newsom ayaa ka dhex qarxay dagaal dhanka afka oo la isku adeegsaday baraha bulshada.

Trump oo dagaalka billaabay ayaa isagoo adeegsanaya bartiisa Social Truth wuxuu cay u dhaamiyey guddoomiye Newsom oo ku tilmaamay โ€œwaxmatareโ€, wuxuuna sheegay in laโ€™aantiis California boodka lagula tuman lahaa, taas oo uu ula jeedo in haddii uusan ciidamada u soo dirin gobolka ay qabsan lahaayeen soogalooti.

“Guddoomiyaha waxmataraha ah iyo duqa Los Angels waa in ay iiga mahadceliyaan sidaan u bedbaadiyey, iyagoo leh โ€˜mudane, waad ku mahadsan.”

Gavin Newsom ayaa dhankiisa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Trump oo sheegay in ay fiicnaan lahayd haddii Newsom la xiri lahaa. Newsom ayaa hadalka ka soo yeeray Trump ku tilmaamay mid ka turjumaya waddada uu ku socdo oo ah โ€œkeligii talasnimo aan geed loogu soo gamban.โ€ Guddoomiyaha California ayaa hanjabaadda Trump ku tilmaamay cabsigelin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker