Madaxweyne Cirro Oo Safar Ku Tagaya dalka Itoobiya
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku tagaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ma jiro war rasmiya oo Xukuumadda Somaliland ku caddaysay in Madaxweynuhu uu safar ku tagayo Itoobiya, balse ilo-wareedyo ayaa Warbaahinta Somalilandpost u sheegay in Madaxweyne Cirro oo haysta marti-qaad uu hore uga helay Raysalwasare Abiy Axmed Cali uu 12-ka bishan June u safrayo Addis Ababa.
Xogaha Laga Helay safarka Madxweynaha JSL, ayaa tibaaxay in Madaxweyne Cabdiraxmaan-Cirro & Raysal-wasaare Abiy qodobbada ay ka wadahadli doonaan ay ku jiraan sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo qodobka ugu muhiimsan oo ah heshiiskii badda iyo aqoonsiga ee Somaliland hore ula gashay Itoobiya, kaasi oo xaalad xasaasi ah oo uu gobolka ka abuuray awgeed dawladda Itoobiya hoos ugu dhigtay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu xilka la wareegay safarro ku tagay Imaaraadka, Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo Madaxweynaha & Xukuumadiisu ugu talo-galeen inay ku sii xoojiyaan xidhiidhada ay Xukuumadihii hore dhiseen ee Somaliland la lahayd dalalka uu Madaxweynuhu booqday bilowgii xukunkiisa.
Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee AddisAbaba, ayaa iman doonta xilli la sheegay in Itoobiya saluug ka muujisay in Madaxweyne Cirro aanu Booqashadiisii koowaad ku tagin Addis Ababa, maaddaama oo Itoobiya isku aragto saaxiibka koowaad ee Somaliland ku leedahay gobolka isla-markaana heshiiskii ay la gashay ee Saldhigga Badda iyo aqoonsiga kala kulantay dagaal diblumaasiyadeed oo kaga yimid dawladaha gobolka iyo kuwa ka baxsanba.