Ciidamada Israa’iil ayaa shan qof ku diley koonfurta Qasa, halka ay ku dhaawaceen ilaa 70 qof .
Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaya deegaanka Qasa ee dhulka reer Falastiin ayaa maanta sheegaya in ciidamada israa’iil shan qof ku dileen koonfurta Qasa , halka ay ku dhaawaceen ilaa 70 qof .
Weerarkan ayaa ka dhacay goob ay Hay’adda GHF ay raashin ugu qaybinaysay dad rayid ah oo reer Qasa ah, iyada oo ay marayso ilaa 100 qof dadka ay ciidmada israa;iil ku dileen goobaha raashinka lagu qaybiyo ilaa todobaadkii hore.
Afhayeen u hadlay ciidamada israa’iil oo qortay dadkaasi ay rasaasta ku fureen ayaa sheegay in waddo khalad ah mareen dadka la laayay islamarkaana ay kusoo dhawaadeen goobta ay ciidamada israa;iil fadhiyeen iyagoo iska dhago tiray baaqyo ay ciidamada u jeediyeen
Dhinaca kale Hay’adaha adduunka u qaabislan xuquuqda aadamaha oo warbixin wado jir ah soo saaray ayaa ku tilaamay Hay’adda GHF ee ay maamulaan Maraykanaka iyo Israa’iil in ay ku fashiln tahay habkii loogu qeybin lahaa dadka reer Falastiin raashinka ay u baahan yihiin iyagoo cadeeyay in ay tahay waxaan la qabli Karin dad raashin u baahan in rasaas loogu badalo.