Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo Kulan la qaatay qaar kamid dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Munaasibadda Ciidal Adxa awgeed wakhti qiimo leh la qaatay qaar kamid dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, kuwaas oo uu ku booqday goobo kala duwan oo ay dadweynaha ku ciiddayeen.

Dadweynaha ciiddaayey ee ku sugnaa goobaha uu Madaxweyne Ku-xigeenka JSL booqday ayaa waxay ku qaabileen farxad iyo salaan diirran, waxaanay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin in uu Madaxweyne Ku-xigeenka soo booqday, farxadda Ciida-na uu la qaybsaday.

Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka JSL ayaa goobihii u booqanayey kulla kulmay Ganacsato, madax dhaqmeed, aqoonyahan,kuwaas oo uu ka dhagaystay tallooyin ay xukumadda u soo jeediyeen,halka ay xukumada wadajir iyo wax-qabad ku amaaneen qaramayntii ciidankii madaniga ahaa iyo nabadayntii Ceel Afweyn.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay ka xukuumad ahaan inay soo dhawaynayaan tallooyinkaas, waxaanu xusay inay markasta diyaar u yihiin wada tashiga bulshada Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker