๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ญ๐ฎ๐ค๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฅ ๐๐๐ฑ๐๐๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed CabdillaahiCirro, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka iyo saraakiil ka tirsan dawladda, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, waxana uu shacabka u jeediyey khudbad, ayaa guud ahaanย bulshada islaamka iyo gaar ahaan bulshada reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda farxadda Ciidda, waxana uu Eebbe uga rajeeyey inuu ciiddan ciiddeeda ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo nabadqab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu guud ahaan ummadda Islaamka Ilaahay uga baryey inuu haybaddii iyo karaamadii uu lahaa dib ugu soo celiyo, isaga oo reer Somaliland-na u rajeeyey inay helaan xuquuqdooda ay ku raadinayaan qarannimo buuxda oo ay dunida ka helaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo shacabka la hadlay, ayaa ugu baaqay inay dhexdooda isu naxariistaan, is caawiyaan, isku duubni iyo wada-jirna kaga baxaan xaaladda abaarta