Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gaadhay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Madaxweynaha ayaa waxaa gegada Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Khayraadka badda (Ministry of Mining, Blue Economy and Maritime affairs) ee dalka Kenya Hon. Hassal Ali Joho kadibna u gelbiyey goobta uu ka degayo Caasimadda Nairobi ee Kenya.
Dhanka kale, tiro ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxweynaha markii uu soo gaadhay goobta uu ka deggen yahay magaalada Nairobi.