“๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐ž๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐š ๐–๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐ข๐ข ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ ๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข ๐‹๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ” Wasiir hore Dr. Cabdiweli Suufi.

Hadalka kasoo yeedhay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada wuxuu muujinayaa heerka uu taagan yahay fahamka siyaasadeed iyo dawladnimo ee madaxda xukuumadda Waddani โ€” kuwaas oo aan weli kala garan karin xilka qaran iyo danaha xisbiga. Ficilladooda iyo hadalladoodu waxay caddeynayaan in Madaxtooyada loo beddelay xarun xayaysiis oo xisbiga Waddani leeyahay.
Bulshadu waxay ka sugaysay xukuumadda Waddani in ay hirgeliso ballanqaadkoodii sida โ€˜Kobcinta Maamul Wanaagga.โ€™ Nasiibdarro, tallaabooyinka noocan ah waxa ay muujinayaan in halkii laga horumarin lahaa hayโ€™adaha dowliga ah, la doorbiday in la siyaasadeeyo xafiisyadii loogu talogalay in ay u adeegaan dhammaan shacabka.”
Madaxtooyadu waa astaanta dawladnimada iyo midnimada ummadda. Maaha goob xisbi ku muujin karo midabkiisa ama calaamadihiisa isaga oo ka faaโ€™iidaysanaya xukunka dalka ee uu hayo.
Waxa ceeb ku ah xisbi lagu doortay hannaan dimoqraadi ah, kuna celceliyay dimoqraadiyad iyo dawladnimo in uu maanta ku faano in uu Madaxtooyada u beddelay xarun xisbi.
Xukuumadda Waddani muddadii koobnayd ee talada haysay waxay caadaystay in ay ku xadgudubto dhexdhexaadnimada hayโ€™adaha qaranka.
Ugu dambayn, xisbiyaynta iyo siyaasadeynta xarumaha dowladdu waxa ay dhaawacaysaa kalsoonida iyo midnimada bulshada, waxa ayna khatar ku tahay haykalka dawladnimo ee aynu dhisanaynay muddada dhawr iyo soddonka sanno ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker