𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐝𝐨𝐨 𝐀𝐟-𝐦𝐞𝐞𝐫𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ayaa Degmadda Qori-lugud kaga qayb-galay Qaramaynta Ciidamadii Maddaniga ahaa ee ugu dambeeyey, isla markaana ugu badnaa iyo Gadiidkoodii Dagaalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa is kal furran ugu mahad naqay wayeelka iyo wax-garadka iyo haldoorka iyo guud ahaanba bulshada reer Qori-lugud, maadaama oo ay door shariif ah ka qateen qorshaha Qaran ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in Barmaamijka Qaramaynta Ciidamadda Maddaniga ah uu qiimo weyn u leeyahay Qaranka JSL, waxa aanu yidhi:

“Mashruuca Qaramaynta Ciidamada Maddanigu waxa uu ahaa Mashruuc qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland, waxana Illaahay mahadii ah in Qori-lugud aan ku soo gebogebayno barnaamijkaasi oo aan soo bilawnay bishii labaad ee sannadkan 2025-ka.”

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa amray ciidanka Qaranka in ay tallaabada ku haboon ka qaadi doonnaan ciddii shacab ah ee ay hub iyo gaadiid gaashaaman ku arkaan, waxana uu yidhi:

”Waxa aan farayaa Ciidamada Amaanka cidii ay hub iyo Gaadiid ku qabtaan in ay kala wareegaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku uu yahay Ciidanka keliya ee dalka, isla markaana uu ku fillan-yahay difaaca iyo sugida amniga Qaranka:

“Maanta laga bilaabo dalka Somaliland waxa jira oo kelliya waa Ciidanka Qaranka JSL, isaga ayaana u xil saaran difaaca iyo amniga dalka.”

Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa mar kale shaaciyey in ay Ceerigaabo taal gogashii nabadda, taasi oo ay hore ugu dhawaaqday Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: “Waxa aan mar kale caddaynayaa in ay Ceerigaabo weli taallo gogoshii nabadeed ee aanu hore ugu baaqnay.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker