Xukuumada Somaliland Oo War Deg-deg ah Kasoo Saartay Maxaabiistii Muqdisho La geeyey
Wasaaradda Caddaalada JSL waxa ay war-saxafadeedkan ku muujinaysaa walaaceeda ku aadan afduubka ay kula wareegtay dawlada somaaliya qaar ka mid ah maxabiistii ku xidhnayd laascaanood, kuwaaso oo badankooda laga qabtay degaanada ku hareeraysan barriga sool ee rabshaduhu ka dhaceen.
Dawladda Soomaaliya, waxa ay si badheedh ah u jebisay shuruucda caalamiga ah, kuwa mandaqada (Afrika), gaar ahaan Xeerka Saddexaad ee Heshiisyada Geneva (1949) ee ku saabsan Maxaabiista Dagaalka, gaar ahaan: Qodobka 12aad iyo Qodobka 118aad oo dhigaayo in dhammaan maxaabiista dagaalka sii dayntooda aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed ama cadaadis cid lagu saarayo. Maxaabiista dagaalka, sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah (international Humanitarian Law), waa in loo maro hannaan waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Haddaba, dawiadda Somaaliya, waxa ay maxaabiista u adeegsatay sifo siyaasadeed iyo mid cadaadis ay ku saarayso Jamhuuriyadda Somaliland, maadama ay maxaabiista lagu qasbay in ay xidhaan calan aan calankoodii ahayn. Sidoo kale waxa maxaabiista ka muuqatay dayac & daryeel la aan baahsan.
Dawladda Somaliland iyo Somaaliya, ma jiro wax wada hadal ah oo dhex maray, kuna saabsan in maxaabiista labada dhinac la isku wareejiyo, balse waxa jira dedaallo Xukuumaddu JSL ay la wado hay’adda ICRC kaas oo loogu gogol-xaadhayo sidii maxaabiistaas la isugu wareejin lahaa.
๐๐ข๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐๐,
โข ๐๐๐ฑ๐ ๐๐๐ง๐ง๐ฎ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ugu baaqaynaa in maxaabiista ay sifaha sharci darrada ah kula wareegeen
ay ku wareejiyaan hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan
arrimaha maxaabiista lala kala wareego.
โข ๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ’๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ฅ-๐ข๐ง๐ฌ๐๐๐ง๐ค๐ ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐๐ฒ๐ waxa aan ugu baaqaynaa in ay si dhaw u la
socdaan xaaladda guud ee maxaabiisa laascanood laga
wareejiyey, isla markaana ku cadaadiyaan dawladda Soomaaliya inay joojiso faragelinta sharci darrada ah ee
ee ka dhanka ah Somaliland.
โข๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ waxa aan ugu baaqaynaa in ay ka fogaato siyaasadayna maxaabiista ku xidhan Laascanood si aanay u xagal daacin dedaalada
nabadaynta iyo isku wareejinta maxaabiista.
Ugu danbayn, dawladda somaliland waxa ay caddeyneysaa inay ka go’an tahay in la helo
nidaam is fahan oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo lagula kala wareego maxaabiistaa.