Shirkado Waaweyn Oo Balaayiin Khasaaray
Kadib markii uu Trump soo rogey cashuuro uu dul dhigay wadamada dunida waxaa burbur xoogan kuyimid suuqa saamiyada aduunka maalinimadii khamiistii, waxaana aduun lacageed oo dhan $2.85 trillion lagala baxay suuqa saamiyada.
Mark Zuckerberg, madaxa Meta, ayaa waayay ku dhowaad $18 bilyan kadib markii suuqa saamiyada Mareykanka hoos u dhacay 1,679 dhibcood Khamiistii. Jeff Bezos iyo Elon Musk ayaa sidoo kale lumiyay $15.9 bilyan iyo $11 bilyan siday u kala horreeyaan.
Hoos u dhaca waxaa sababay cunoqabatayn cusub oo Mareykanku ku dhawaaqay, taasoo si gaar ah u saameysay shirkadaha tiknoolajiyadda.
Dhinaca kale, ganacsade Carlos Slim oo u dhashay Mexico, ayaa hantidiisa korortay $3 bilyan kadib markii saamiyada shirkaddiisa America Movil ay sare u kaceen, isagoo ka faa’iidaystay in Mexico aysan ku dhicin cunoqabataynta