𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐱𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲𝐧 𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐣𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay maanta Gobolka Saaxil ayaa xadhiga ka jaray dib u dhis iyo dib u habeyn ballaadhan oo lagu sameeyey jidka isku xidha Magaallooyinka Berbera iyo Sheekh.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta Sheekh,waxaana haddalo ka jeediyey ugu horreyn wasiirka Wasaaradda jidadka iyo meereeyaha Hay’adda Waddooyinka Qaranka,kuwaas oo u mahadceliyey shaqalihii hawshaa baaxadleh qabtay mudda’daas kooban ee habeen iyo maalin aan ka nasan.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray jidkaas oo dib u dhis lagu sameeyeya iyo labaatan buundo oo la hagaajiyey,waxaanu sheegay inay sahli doonto isku socodka Gobollada dalka.