Xildhibaanad: “Waxaa i fara xumeeyay guddoomiyaha aqalka senetka”

Xubanaha aqalka senedka ee dalka Nigeria ayaa qof dumar oo Senetor ah shaqada ka joojiyay ilaa muddo lix bilood ah, ka dib markii ay soo gudbisay dacwad ka dhan ah gudoomiyaha aqalkaas, oo ay sheegtay inuu ku sameeyay xad-gudub galmo.

Natasha Akpoti-Uduaghan, ayaa markii ugu horeysay eedeymahan u jeedisay gudoomiyaha, oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta sarsare ee dalkaas, Godswill Akpabio, kadib wareysi bixisay Jimcihii lasoo dhaafay.

Ka dib markii Meesha laga saaray dacwadeeda, iyadoo loo maray hab sharci ah, guddiga anshaxa ayaa soo jeediaya shaqa joojinta Natasha, iyagoo sheegay inay magac xumo u soo jiidday aqalka saree e dalka.

Eedeymaha ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay gudaha dalka Nigeria, tan iyo markii ay eedeymahan jeedisay todobaad ka hor..

Dad badan oo xilal sare ka haya dowladda iyo kooxo kale ayaa ku baaqay baaritaan hufan in la sameeyo.

Dumar badan oo baraha bulshada isticmaalo ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xunyihin shaqa joojnta lagu sameeyay senetaradda, iyadoo qaarkood ay talaabada ku tilmaameen “cadalad darro”

Inta ay shaqa joojinta ku maqantahay, Uduaghan Natasha, waxaa laga mamnuuci doonaa dhismaha aqalka baarlamaanka xafiiskeedana waa la xiri doonaa.

Ha yeeshee Guddoomiyaha baarlamaanka, ayaa lagu soo warramayaa inuu iska fogeeyay eedahaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker