Muslimiin la soo xiray iyagoo goob fagaare wax ku cunaya bisha Soon
Ciidanka ilaalada anshaxa ee gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, ayaa soo xirxiray dad la sheegay inay muslimiin yihiin, kadib markii la arkay iyagoo goob fagaare ah wax ku cunaya kuna cabaya.
Dadka la xiray waxaa ku jira kuwa iyaguna cunto iibinayay, xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Taliye ku xiigeenka booliska, Mujahid Aminudeen, ayaa BBC-da u sheegay, in xabsiga loo taxaabay 20 qof, kuwaa oo isugu jira kuwa aan sooneyn oo cunto cunayay iyo kuwa cuntada ka iibinayay dadka.
Waxay boolisku sheegeen inay sii wadi doonaan howgallada, ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso bisha Soonka oo bilatay Sabtidii.
Taliyaha booliska ayaa sheegay in dhammaan 25-ka qof lagu soo oogay Maxkamad shareecada, islamarkaana la marsiin doono ciqaabta ku haboon.
Mr Aminudeen waxaa uu sheegay in aanan la ogolaan doonin โxurmo darroโ ka dhan ah bisha Ramadaanka.