Daawo gaaska loo cuno balse haweenka ay siyaabo kale u isticmaalaan
Ilma iska soo xaaqidda, waa wax kala qeybsanaan ballaaran ka dhex abuuray waddamo badan oo caalamka ah, waxaana laga mamnuucay qaar kamid ah dalalkaas.
Arrintan ayaa sidoo kale saameyn wanaagsan ku leh nolosha malaayiin haween ah oo dunida ku nool.
Kuwa go’aansada inay ilmaha iska soo xaaqaan, waxay keliya u mari karaan laba waddo, oo kala ah qalliin ama arrimo caafimaadkooda la xirriira.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in la adeegsan karo dawooyinka qaar si ilmaha loo soo saaro.
Waxay sheegtay in hadii la heli waayo dawada mifespristone, la isticmaali karo dawada kale ee misoprostol keliya.Ha yeeshee dawadan, looguma talo galin ilma iska soo rididda. Waxaa loo isticmaalaa gaaska caloosha, waxaana suuqa ay soo gashay bartamihii 1980-yadii iyadoo markaas la oran jiray Cytotec.
Haween ka soo jeeda koonfurta waddanka Mareykanka ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee ogaaday in siyaabo kale loo isticmaalo karo dawada, oo ah in loo adeegsan karo ilma iska soo xaaqidda.