Google Chrome ayaa digniin ka soo saarey 16 barnaamij oo nooca loo yaqaan Extentions-ka in ay halis ku yihiin amniga xogta isticmaaleyaasha.
Warbixin ay daabacday GitLab Threat Intelligence ayaa sheegtay in extentions-kani, oo ay horey u isticmaaleen 3.2 milyan oo qof, ay ku dhex jiraan kood basaasaaya qofka xogtiisa, kadibna u ogolaanaysa burdhcada internet-ka inay xadaan xogta isticmaaleyaasha iyo inay dhex marsadaan xayeysiisyo been abuur ah.
Extensions-ku waa barnaamij dheeri ah oo lala isticmaalo Google Chrome, kaas oo qofka u qabanaaya shaqooyin dheeri ah. Google ayaa horey uga saartay extentions-kan qaybteeda laga la soo dego ee Chrome Web Store, hase yeeshee, dadka wali ku isticmaala extiontions-kan hoos ku qoran ayaa loo sheegay in ay si degdeg ah uga saaraan barowsarkooda. Khubarrada amniga ayaa sidoo kale ku taliyey in la isticmaalo barnaamijyada antivirus si loo hubiyo in aadan la kulmin wax weerar ah.
Waa kuwan Extentions-ka shirkadu ka digtey
Blipshot, Emojis (Emoji Keyboard), Color Changer for YouTube, Video Effects for YouTube and Audio Enhancer, Themes for Chrome and YouTube Picture in Picture, Mike Adblock fĂźr Chrome, Super Dark Mode, Emoji Keyboard Emojis for Chrome, Adblocker for Chrome (NoAds), Adblock for You, Adblock for Chrome, Nimble Capture, KProxy, Page Refresh, Wistia Video Downloader iyo WAToolkit