Dagaal ka dhacay xadka Kenya iyo Itoobiya oo ay dad ku dhinteen

Dhowr qof ayaa la sheegay in lagu dilay isku dhacyo ka dhacay xadka Itoobiya iyo Kenya. Isku dhacyadan u dhaxeeyay xoolo-dhaqato iyo kalluumeysato deggan degmada Dasenech oo Itoobiya ah iyo Turkana oo Kenya ah ayaa dhacay horraantii toddobaadkan.

Sida ay sheegeen saraakiisha Desanech, ugu yaraan 13 Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay isku dhacyada. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in 22 qof la la’yahay.

Labo siyaasi Kenyaan ah oo deegaanka kasoo jeeda ayaa ku eedeeyay maleeshiyaad kasoo jeeda Itoobiya inay weerar soo qaadeen ayna dileen 20 qof.

Madaxa degmada Dasenech Tadele Hasie yaa BBC u sheegay in isku dhacyada ay ahaayeen kuwii labaad ee toddobaad gudahood dhaca.

Mr. Tadele ayaa sheegay in dilka labo kalluumeysato Itoobiyaan ah oo ka dhacay Harada Turkana ay sababeen isku dhacyadii dhowaan. Ilaa 10000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda Dasenech iyagoo cabsi ka qaba rabshado dheeraad ah, sida uu sheegay Tadele.

Ku xigeenka madaxa Waqooyiga Turkana George Orina oo uu soo xigtay wargeys Kenyaan ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanka la geeyay goobta rabshaddu ka dhacday.

Goobaha rabshaduhu ka dhaceen ayaa u nugul isku dhacyada iyadoo xubno labada qowmiyadood ka tirsan ay in badan isku dagaalaan khyeraadka ay ka midka yihiin dhul-daaqsimeedka iyo kalluumeysiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker