Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socdo Puntland
Ciidanka Puntland ee la dagaalamaya maleeshiyada Daacish ayaa si taxadar badan ugu sii siqaya difaacyada ay maleeshiyadu ku leedahay galbeedka Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Puntland ay u muuqdaan kuwo u gudbaya dhabarka dambe ee Buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo Daacish ay haatan kaga xoogan tahay gobolkaasi.
Ciidamada oo dhowr iyo tobankii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa bartamaha Tog-jaceyl ayaa qaybtooda hore gudaha ugu dhaqaaqay jiidda hore.
Ciidamada ayaa kor u sii fuulaya dhulka buuraha ah, iyagoo markaasi khatarta argagixisada ka fogeynaya barraha ay dhawaan ka sameysteen qaybaha dhexe ee Calmiskaad.
Ciidamada oo ah kuwo lugeynaya ayaa waxaa la sheegaya in ay ku daba joogaan wax uun ka nool firxadkii ka soo haray maleeshiyadii 11-kii bishan weerarka culus ku soo qaadday fariisimahooda. Ciidamada ayaa isku dayaya in ay maleeshiyada ka sifeeyaan qorax u dhaca Tog-jaceyl.
Ciidamada ayaa lug ku tagaya meelaha ay tuhunsan yihiin in maleeshiyadu ay gabaadka ka dhigan karto ee u dhaxeeya labada fariisimo ee aan isku muuqan.
Fariisimaha ciidamadu ku leeyihiin aagagga dhexe ee Tog-jaceyl iyo saldhigyada Daacish ay ku leedahay galbeedka Calmiskaad ayaa qiyaastii isku jira illaa 40km. Ciidamada ayaana inta u dhaxeyso ka raadinaya suurtagalnimada in ay ku sugan yihiin maleeshiyaad koox koox u abaabulan, kuwaas oo laga yaabo in ay caqabad ku noqon karaan geeddiga hawlgalka.
Ciidamada ayaa rasaas yool baar ah ku ridaya togaga biya mareenada iyo godadka dhinacyada kaga yaala waddooyinka yaryar ee la isaga gudbo dhulka ay marayaan, ka hor inta aanay socodkooda hore u sii wadan.
Ciidamada ayaa socod ku maraya dhulka rafka ah ee buuraleyda, iyadoona meelaha qaarkood ay adag tahay in ay si caadi ah ugu socdaan. Waa dhul qar oo dhegxaan badan, ciidamada ayayna waqti badan ku qaadaneysaa in ay isaga tallaabaan buur illaa buur kale.
Dhanka kale Warbaahinta qaybteeda ayaa warineysa in ciidamadu iyo maleeshiyada ay is horfadhiyaan meelaha qaarkood, inkastoo ilaha ku dhow dhow saraakiisha hawlgalka hoggaamineysa ay sheegayaan inaysan jirin goob qura oo la isku horfadhiyo.
Ciidamada iyo Daacishta Somaliya ayaa isku wajahaya dhul ay ka barakaceen dadkii horey ugu noollaa, waana dhul bannaan oo ay adag tahay in dad socoto ah lagu arko amaba xoolo raacatada, marka laga soo tago dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo.
Saraakiisha ku sugan furimaha hore ayaa sheegaya in ciidamadu ay hayaan raadka argagixisada, wax kasta oo ay sameeyaana aysan ka hor istaagi doonin in ay dalka ka sifeeyaan.
“Raadkooda ayaan qaadaynaa, waxay rabaan ha sameeyaan, waxay rabaana ha tuureen. Bambo ha tuuraan, miino ha geliyeen, tog haku dhuunteen, god ha galeen ama qar ha hoos galeen.” Ayuu yiri Korneyl Duwane Gaaciye oo ku sugan jiidda hore, isagoona intaasi ku daray “Annagu ballantayadu waxay tahay qofka ugu dambeeyo inaan qabano ama uu dalka ka cararo ama aan dhangad kaga saarno amaba uu ku dhinto meesha. Intaas ayay ballantayadu tahay.”
Ciidanka Puntland ayaa Talaadadii jilbaha u laabtay weerar si weyn loo soo abaabulay oo maleeshiyadu ay ku soo qaadday fariisimaha ay horaantii bishan ka sameysteen inta u dhaxeyso deegaanada Haraaryo iyo Qurac ama Haraaryo iyo Dharin ee jiidda Tog-jaceyl ee bartamaha Buuraleyda Calmiskaad.
Dagaalkan wuxuu ahaa kii ugu dhiig daashada badnaa ee labada dhinac ku dhex maro Gobolka Bari, muddadii ay ciidamadu hawlgalka wadeen.
Weerarka ayaa u muuqday isku day ay Daacishta Somaliya ku dooneysay in ay ku kala dhantaasho hawlgalka dalka lagaga ciribtirayo ee wejigiisa labaad uu 4-tii bishan ka bilowday furimaha Calmiskaad.